DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya ” Caburinmayno Siyaasiyiinta xil doonka ah”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in ay dowladiisu ay caburinayso siyaasiinta xil doonka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasiinta xildoonka ay heystaan xoriyad ay uga hadli karaan xaaladaha kala duwan ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay meel isku imaankaraan ayna ka hadlikaraan aayaha Soomaaliyeed ayna shirikaran dowladduna arintaasi aysan joojin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ma’suuliyad ka saaran tahay suggitaanka amniga dadka Soomaaliyeed xiliyada ay shirayaan.

Muqdisho waayahan dambe waxaa shirar gaar gaar ah isugu imaanaayay Xubno Siyaasiyiin ah, Odayaal dhaqan iyo dad kale oo Dowladda Mucaarad ku ah, kuwaasi oo sheegayay kulamadii ay qabsan lahaayeen in Hay’adaha ammaanka ay u diideen, taasina ay tahay caburin Dowladda ay ku hayso dadka Siyaasiyiinta.