DHAGEYSO: Al-Shabaab oo dad ku xir xiray deegaanka Luuq Jeelow

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Luuq Jeelow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan Ururka Shabaab ayaa deegaankaasi waxa ay ku xir xireen qaar ka tirsan dadka deegaanka.

Xariga dadkaan Shabaabka ay u geysteen saaka ayaa yimid, kadib markii xalay deegaankaasi uu ka dhacay dagaal ay soo qaadeen Xubno Maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda deegaanka.

Maleeshiyaadka Shabaabka weerarka ku soo qaaday ayaa la sheegay inay ka caroodeen dil loo geystay nin Nabadoon ahaa, dilkaasi oo Shabaabka lagu eedeeyay.

Wararka waxa ay sheegayaan Shabaab inay xabsiga dhigeen dad kor u dhaafaya 10 ruux, oo dadka deegaanka ah waxaana dadkaasi ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.