DHAGEYSO: Maamulka Sh/Hoose oo eedeyn u jeediyay Shabaab

Sh/Hoose-RisaalaFM- Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Shabaabka ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose in ay dhibaato ku hayaan shacabka Beeraleyda ah ee ku sugan Gobolkaasi.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha dhibaatooyinka Shabaabka ay ku hayaan dadkaasi in ay yihiin kuwo aad u daran, islamarkaana loo baahan yahay in meel looga wada soo jeesto Shabaab.

Ibraahim Aadan Najax Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale sheegay in ay abaaro ka jiraan Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa wax ay ku sugan yihiin Degaano iyo Demooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose, waxaana dhowaan lagu eedeeyay in ay dad barakiciyeen.