Garowe-RisaalaFM- Wajiga Labaad ee Doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee maanta ka bilowday Magaalada Garowe ayaa la soo gaba gabeeyay, iyadoo ay ku guuleysteen illaa 6 xildhibaan.
Ergooyinka ku sugan Magaalada Garowe ayaa soo dooranaya shaqsiyaadka ay u arkaan in ay u qalmaan ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub ee soo socda.
Doorashooyinkan oo saakay bilowday waxaa maanta ku soo baxay 6 xildhibaan kuwaas oo kala ah.
- Siciid Xuseen Ciid
2. Zakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi
3. Burhaan Aaden Cumar
4. Jaabir Maxamed Cabdi
5. Siciido Maxamed Xasan
6. Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe
Lixda xildhibaan ee maanta lagu doortay Magaalada Garowe ayaa ka mid noqon doona xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka soo socda.


