DHAGEYSO: Maamulka Puntland oo digniin Adag u diray Askarta Boosaaso

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Puntland Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa si kulul uga hadlay dilkii shalay Magaalada Boosaaso loogu geystay xeerilaalihii Maxkamada Ciidamada Qalab sida ee Maamulka Puntland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Hoteelada ku yaalla Magaalada Boosaaso ay dayaceen ammaanka Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Puntland, madaam Badankood lagu dilay meel aan ka fogeyn Hoteelo leh Ilaalo.

Waxaana uu sheegay in ay qeyb ka yihiin Amnidarada ka jirta Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in si weyn loo adkeeyay Ammaanka Magaalada Boosaaso ayna ka gacanta kusoo dhigi doonaan Kooxo hubeysan ee dilalka ka geysta Boosaaso.