DHAGEYSO: Maamulka Mudug oo faah faahin ka bixiyay Dilka Dhudi Yuusuf

Mudug-RisaalaFM- Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marwo Dhudi Yuusuf oo ay dileen koox bistoolado ku hubeysnaa.

Gudoomiye Axmed Muuse ayaa sheegay in Dhudi Yuusuf ay ahayd qof qaali ku ah bulshada Gobolka Mudug, wuxuuna Alle uga baryay naxariistiisa janno inuu siiyo.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in Marxuumad Dhudi Yuusuf Aadan ay ahayd qof guubaabo badan oo qeyb ka qaadatay barnaamijyada horumarka iyo waxtarka u ah bulshada.

Marwada la dilay ayaa aheyd Gudoomiyaha ururka Haweenka gobolka Mudug, sidoo kalena waxa aya aheyd Maamo si weyn looga yaqaanay gobolka Mudug.

Dilkan xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii ay bilaabatay bisha Barakeysan ee Ramadaan.