DHAGEYSO: Maamulka Jubbaland oo wada qorshe lagu balaarinayo maamulka

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in la balaarinayo Maamulka Jubbaland isla markaana si buuxda loogu balaarinayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Waxa uu sheegay in Wasiiro iyo Xildhibaano ay tagayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubooyinka iyo Gedo si ay usoo dhisaan Maamulada deegaanada iyo degmooyinka ay tagayaan.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in Maamulada had aka dhisan 3 gobol la hagaajino si shacabka iyo Madaxda Jubbaland ay wada shaqeyn iyo Kalsooni fiican u dhex marto.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” ayaa sidoo kale sheegay in hagaajinta iyo dhismaha Maamulada Cusub laga qeyb gelinayo shacabka ku nool deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.