DHAGEYSO: Maamulka Hiiraan “Dowladda go’aan cad haka qaadato dagaalada Beledweyne”

Beledweyne-RisaalaFM- Xaalad daganaansho oo aan cago badan ku taagneyn ayaa maanta waxaa laga dareemayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo 3-dii maalmood aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen dagaal Beeleedyo.

Dad ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa inoo sheegay in xaalada magaalada maanta ay tahay mid kacsan oo mararka qaar ay maqlayaan rasaas goos goos ah iyo Madaafiic, waxaana ay sheegeen in ay in ay dareemayaan cabsi badan.

Cali Dhuux Mahad Alle oo ah Taliyaha ciidanka boliiska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa uu ka hadlay xiisadaha colaadeed ee ka taagan xaafada Howlwadaag ee degmada Beledweyne.

Taliyaha ciidanka boliiska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Cali Dhuux Mahad Alle oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in iyada oo maamulka gobolka Hiiraan uu ku mashquulsan yahay samata bixinta dadka uu ku soo fatahay wabiga Shabeelle in hadana ay wada dagaalamaan beelo wada dega Beledweyne in ay tahay wax laga xumaado.

Waxaana uu baaq udiray dowladda Soomaaliya isagoo ka codsaday in ay dowladda go’aan cad ka qaadato dagaalada ku soo laalaabanaya magaalada Beledweyne.

Maalmahan magaalada Beledweyne waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo waxgaradka Beledweyne ay ufadhiyaan wali shir dib uheshiisiin ah oo loo sameynayo Duubabka Beledweyne.