Deg Deg: Ciidanka Puntland oo qabtay nin Ajnabi ah

Mudug-RisaalaFM- Warar ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in ciidanka Puntland ay qabteen nin ajnabi ah kaas oo ay ciidanka qabteen asaga oo ordaya.

Ninkaan ayaa gacanta lagu dhigay xilli isaga oo ordaya uu marayay xeebta Ceel-dhanaane,sida ay inoo sheegeen saraakiisha maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay.

Ninkaan oo u dhashay dalka Yaman ayaa sheegay inuu ka tirsanaa Kalluumaysto ay afduubteen dagaalyahanadda Al-Shabaab ah,balse markii dambe uu isaga soo baxsaday.

C/llaahi Yusuf Carays Taliyaha Qaybta Booliiska degmadda Jariiban ayaa sheegay ninkaan in haatan baaritaano lagu samaynayo isla markaana faah faahino badan ay warbaahinta u soo gudbin doonaan saacadaha soo socda.

Deegaano ka tirsan Puntland ayaa la rumaysanyahay inay ku jiraan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab inkastoo koox kale oo muuqaalo iska soo duubayna ay sheegeen inay ka tirsanyihiin kooxda Daacish.