DHAGEYSO: Ciidanka K/Galbeed iyo Shabaab oo ku Dagaalamay Bakool

Bakool-RisaalaFM- Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo ayaa waxa ay wadaan Howlgallo balaaran oo ay ka wadaan deegaanadii dhowaan ay Al-shabaab kala wareegeen.

Gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo amaanka degmad Xudur Aadan Cabdi Awaarey oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in howlgallo iyo kormeero ay ka wadaan Deegaanadii dhowaan ay kala wareegeen ururka Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dagaal kooban ay kala kulmeen Shabaab inta ay ku guda jireen howlgalkan sidoo kalena ay ka dileen Saraakiil Shabaab ah, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Al-shabaab ay ka qabsadeen Hub iyo Gaadiid Dagaal oo ay ka carareen.

Howlgaladan ayaa waxa ay ku soo aadayaan xilli shalay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed uu dib ugu soo laabtay Magaalada Beydhabo isagoo Madaxda Itoobiyo iyo Kenya kala soo hadlay sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada Koonfur Galbeed.