Dhageyso:-Khasaaro ka dhashay duqeyn ka dhacday G/Shabeellaha Hoose

Ciidamada Danab ee Soomaaliya oo taageero ka helaya diyaarado Mareykan ah ayaa weeraray xalay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen tuulada Daarusalaam oo qiyaastii 7 km u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Aweys Abuukar (Maxamed Yarow) ayaa VOA u sheegey in ugu yaraan 6 ka tirsan Al-Shabaab ay weerarkaasi ku dhinteen.

Waxa uu guddoomiyuhu sidoo kale sheegey in haweeney rayid aheyd ay ku dhimatay duqeynta ay geysteen, sida uu yiri, diyaarado aan duuliye wadin oo weerarkaasi qeyb ka ahaa.

Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ayu ku sheegeen inay weerarkaasi fashiliyeen sidoo kale ay ku dileen Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ee weerrarka kusoo qaaday.