War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay xiisada u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ay ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, kadib markii Soomaaliland ay Ciidamo farabadan geysay Gobolka Sanaag.
War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in puntland ay marwalba dulqaad muujineyso, hayeeshee Soomaaliland ay curyaamineyso dagaalka Puntland ay kula jirto waxa loogu yeero Argagaxisada.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Puntland.




