SAWIRO: Farmaajo oo ka qeyb galay Shirka Africa Now

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay furitaanka Shir Madaxeedka Africa Now oo maanta ka bilawday magaalada Kampala.

Shirkan oo labo maalmood soconaya ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.