DHAGEYSO: Kaaraan iyo Shangaani oo ku tartamay Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM-Waxaa maalinkii 5-aad galay Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala, waxaana galabta Tartan xiiso badan uu dhexmaray Degmooyinka Shangaani iyo Kaaraan oo labaduba ku yaala gobolka Banaadir.

Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa ah shirkad dalka keenta cabitaano aad u heer sareeya sidoo kalena sanadkan dhexda u xiratay in ay maalgaliso Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala, waxaana mar walba COCA COLA ay taageertaa oo kharash ay ku bixisaa dadka waxbarta iyo sidoo kale dadka taageera waxbarashada.

Tartanka Sanadkan Idaacadda Risaala ay qabaneyso ayaa waxaa qori tuurkiisa loo sameeyay oo ka qeyb galaya 16 degmo kuwaas oo 2 kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.

Tartankan Idaacadda Risaala ay qabaneyso ayaa ka duwan Tartamada Idaacadaha kale ay qabtaaan maadaama Maamulka ugu sareeya Idaacadda Risaala iyo Maamulka Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ay horey u balan qaadeen in degmadii ku guuleysata Tartankan abaalmarintii loogu talagalay ay heli doonto ciida ka hor.

Degmooyinka Kaaraan iyo Shangaani ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.

Degmada Kaaraan ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay degmada Shangaani, waxaana weli degmada Shangaani ay heystaa fursado kale maadaama kulankeedii ugu horeeyay galabta ay tartantay.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Gudiga Tartan Aqooneedka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Shangaani iyo Kaaraan.

Maalinta beri ah oo Bisha Ramadaan ay noqon doonto 6 hadii uu Alle idmo ayaa waxaa wada bartami doona Degmooyinka Waaberi iyo Yaaqshiid oo kuwada jira Group C.