Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay in ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa ku sugan Jubooyinka ay faraglein ku sameynayaan Arrimaah doorashooyinka Jubbaland, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay maamulka Jubbaland.
Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo Warbaahinta kula hadlay Magalada Kismaayo ayaa sheegay in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku yeelanaynin arimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago iyadoo mara ayna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa faah faahin ka bixinayay kulan dhexmaray taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM oo u dhashay dalak itoobiya iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in la isku raacay in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.



