DHAGEYSO: Jubbaland “Xabsiga Kismaayo lagama sii deyn Daacish”

Maamulka  Jubbaland ayaa beeniyay in xabsiga magaalada Kismaayo laga sii daayay 7 nin oo ka  tirsan Kooxda Daacish.

Waxay sheegeen maamulka Jubbaland in uusan warkaas raad laheyn ,islamarkaana ay jiraan dad wararkaas ka faafiyay maamulka Jubbaland.

Afhayeenka laamaha amniga maamulka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin shaqsiyaad ka tirsan Daacish oo laga sii daayey xabsiga magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxaayay warar sheegaya in 7 nin oo  ka tirsan Daacish laga sii dayay xabsiga magaalada Kismaayo.