
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa Wasaarada dhalinyarada ugu baaqay iney ahmiyada koowaad siiso dhalinyarada dalka gudihiisa wax ku bartay ee shaqo la’aanta ah.
Guddoomiye Muudeey ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay mar walbo tixgelin la siiyo dhalinyarada gudaha.
Waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in iyadoo ay dalka joogaan dhalinyaro shaqo’aan ah oo waxbartay in dibada laga keeno dhalinyarao kale oo ajnabi ah.
Waxa uu xusay in aysan wasaarada dhalinyarada ka aqbaleyn in dhalinyarada ajaaniibta ah laga hormariyo kuwa gudaha dalka jooga.
Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay shirweyne qaran looga hadlaayay arrimo la xiriiro dhalinyarada iyo sidii kuwa shaqo la’aanta ah shaqo loogu abuuri lahaa.


