Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Sheekh Shariif Sheekh Axmed hoggaamiyaha Xisbiga ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo waxyaabihii ku kalifay.
Sheekh Shariif ayaa dhawaan markii lagu xanibay Garoonka Muqdisho xilli uu ku wajhnaa Beledweyne si caro leh u sheegay in Dowladda hadda jirta ay dagaal uga saarayaan Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in markii la xayiray Sheekh Shariif uu jeediyey hadalo dheer,hayeeshee laga soo qaatay hal Eray kaliya taasina ay tahay mid la doonayo in lagu qariyo tallaabadii lagu xayiray Madaxweynayaashii hore.
Waxaa uu sheegay in hadalkaas Sheekh Shariif uu uga faa’iideystay sidii uu isaga daneynaayay,hayeeshee ay dad badan u fasireen u jeedooyin aan sax aheyn.
Dad badan ayuu sheegay in hadalkii Sheekh Shariif ay ku sheegeen mid qabiileysan laakin qpfka markii taariikhiida dib loo eego ay wax walba go’aamin karaan.
“Sheekh Shariif waxaa uu hadalkiisa kusoo qaatay,Itoobiyaan, Hoggaamiye kooxeedyo oo dadka Soomaaliyeed ay iska saareen,marka hadii dowladda ay Sharciga ku dhaqmi weyso in la iska saaro ceeb mahana sida Cumar Al-Bashiir Madaxweynihii suudaan ayuu yiri” Xildhibaan Suleymaan Maxamuud.



