Mas’uuliyiinta deegaan hoostaga degmada Balcad oo la dilay

Wararka lag helayo Tuulada Cadayga oo duleedka kaga beegan Deegaanka Qalimow oo hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay Guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Cadayga.

Guddoomiyaha tuulada Cadeyga Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan ayaa la sheegay in la dilay,xilli ay ku sugnaayeen gudaha Tuulada Cadayga ee duleedka deegaanka Qalimow.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in xalay ay Deegaanka Cadayga ka kaxeysteen labada Mas’uul,isla markaana ay ku toogteen banaanka deegaanka, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa iyo hadda aan la ogeyn dadka ka dambeeyey dilka loo geystay Guddoomiyihii Tuulada Cadayga iyo kuxigeenkiisii,isla markaana ay aad uga naxeen.

Si kastaba majirto ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Balcad ee ku aadan dilka loo geystay Mas’uuliyiintii deegaan hoostaga degmadaas.