SAWIRO:-Idaacadda Risaala oo deeqdii ugu horeysay u qeybisey dad ka barakacay fatahaadaha

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Idaacadda Risaala  ee Muqdisho Maxamed Cabduwahaab ayaa maanta deeq qaybin ka sameeyey Tuulada Buurane oo hoos tagta Degmada Mahadaay ee G/Shabeellaha Dhexe oo ay saameeyeen fatahaadaha Webiga Shabeelle.

200 qoys oo fatahaada Webiga ay ka baabi’isay guryihii iyo beerihii ay lahaayeen ayaa deeqdaas loo qeybiyey taas oo isugu jirta  Bacda Roobka iyo Marakaneeco iyo lacag kaash ah.

Deeqdaan ayaa waxaa laga soo aruuriyey dhegeystayaasha iyo daawadayaasha Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho.