Muqdisho-RisaalaFM- Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir. Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan.
Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixinta Amniga ka dhageystay Wasiirka amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, isagoo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey howlgallada ka socda dalka. Wasiirka ayaa xusay in dagaalladii ugu danbeeyey ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray gobolada qaar ee dalka guulo laga gaaray.
Sidoo kale Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan qaabkii loo maamulay markabkii gar gaarka ahaa ee dowladda Turkiga ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Cabdi Xaaji ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada ay ka hadleen golaha wasiirada.


