Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay shil gaari oo ay ku dhinteen Masuuliyiin ka tirsan Maamulkaasi Galmudug.
Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed xaashi Carabeey ayaa sheegay in labada masuul xilliga shilka gaari ay galaayeen ay u socdeen Magaalada Gaalkacyo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka Reer Galmudug iyo ehelada labada masuul uu ugu tacsiyeynayo geerida ku timid labada Wasiiru dowle ka tirsan Maamulka Galmudug.
Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in labada Wasiiru dowle ee geeriyooday ay ahaayeen kuwa shaqo badan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-


