DHAGEYSO: faahfaahin shirkii Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya Daa’uud Aweys ayaa Saxaafadda u akhriyay Warmurtiyeedka laga soo saaray Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

 

Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo xubnaha Dowlad Goboledyada ka socday ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamulka Puntland ku dhexmaray Magaalada Garowe, heshiikaasi oo Puntland lagu qanciyay in Doorashada sanadkan.

 

Xildhibaan kasta waxaa soo dooranaya 50 ergo, guud ahaan waxaa xubnaha baarlamaanka dooranaya ergo gaareysa 13,750 ergo.

 

Waxaana sidoo kale mid qodobada laysku raaceen inaan wax waqti kordhin inaan loo sameyn dowladda madexweyne xasan sheikh maxamuud.