Taliyaha Ciidamada Booliska Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Cusmaan Mursal ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo ciidamada Booliska ay halkaasi ka sameeyeen Saacaddihii lasoo dhaafay.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dadka Shacabka ah ku dilaan meelaha aysan degmada ka joogin ciidamada dowladda, sidaasi darteed ay xoojinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa xusay in saacaddihii lasoo dhaafay ay sameeyeen howlgallo, islamarkaana ay baaritaano ku waddaan dadkii lagu soo qabtay.
Waxaa uu tilmaamay sidoo kale in ay gacanta kusoo dhigi doonaan kooxihii shalay dilka ka geystay degmada Afgooye.
Shalay ayay aheyd markii Kooxo hubeysan nin ganacsade ah ay ku dileen degmada Afgooye , xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi, waxaana maalmihii lasoo dhaafay Afgooye ka dhacay dilal loo geystay dad Shacab ah.