Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan qasaaraha ka dhashay madaafiic xalay ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose, taasoo waxyeelo gaarsiisay dadka shacab ah oo ku nool halkaas.
Xaafada Xaawo taako oo ka mid ah xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in 3 guri ku yaala xaafadaas ay ku dhacday madaacfiicdaas.
Dadkii ku dhaawacmay madaafiicda xalay lagu garaacay degmada Afgooye ayaa loola cararay isbitaalada degmada Afgooye.


