DHAGEYSO: Dugsiga Ablaal oo xarun cusub ka furtay degmada Yaaqshid

Munaasabad si heer sare  ah loo soo agaasimay oo lagu furaayay xarun cusub oo uu yeeshay dugsiga Ablaal ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhismaha cusub ee dugsiga Ablaal ayaa laga furay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Xaruntaan cusub ayaa loogu tala galay ardayda dugsiga sare sida uu sheegay maamulaha dugsiga  Ablaal Ustaad Cabdiraxmaan Macalin Axmed.

Maamulaha dugsiyada Ablaal Ustaad Cabdiraxmaan Macalin Axmed ayaa sheegay in dugsiga Ablaal uu wax badan ka ka duwan yahay dugsiyadda  ku yaalla dalka, madaam uu sheegay in uu leeyahay maktabad ay ardaydu ka helikaraan buug walba oo ay u baahdaan.

Dugsiga Ablaal ayaa ka mid ah iskuulada soo shaac baxay burburkii ka dib ayna wax ka bartaan arday aad u farabadan.