Muqdisho-RisaalaFM- Xukuumada Soomaaliya ayaa markale ku celisay in aysan marna aqbaleyn in si qasab ah dib loogu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya .
Wasiirka dibada dowladda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbaleyn in dib loo soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ku sugan dalka Kenya,iyadoo loo adeegsanaayo qasab.
Hadalkaan ayuu ka sheegay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Munaasabad lagu xusaayey maalinta qaxootiga caalamka oo maanta Muqdisho lagu qabtay.


