Waxaa jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u farabadan kuwaa soo naftood ku biimeeya badda waxayna la kulmaan dhibatooyin kala duwan .
Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ay dhalinyarada ka tahriibaan, badankoodna uma suuragasho in ay gaaraan halkii ay ku socdeen ee Yurub, iyaga oo aan la kulmin dhibaatooyin naftooda halis geliya.
Yoonis Cabdi Maxamed oo dhawaan tahriib ku galay dalka Talyaaniga ayaa idaacadda Risaala uga waramay dhibaatooyinkii uu la kulmay.


