Muqdisho-RisaalaFM- Xafiiska la dagaalanka Burcad-badeeda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan Buracad-badeeda Soomaalida.
Xafiiska la dagaalanka Burcad-badeeda ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Burcad-badeeda ay dib u soo noolaadeen, islamarkaana ay bilaabeen Howlahooda Afduubka.
Guddoomiyaha Xafiiska la dagaalanka Burcad-badeeda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muxudiin Cali Muuse oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dib u soo noolaadeen Burcad-badeeda.
Waxa uu sheegay Bisha Maarso in ay soo xoogeesteen Burcad-badeeda, islamarkaana ay bilaabeen Howlihii lagu yaqiinay, isago oo ku baaqay in xafiiskooda lagala shaqeeyo soo afjarida Burcad-badeeda.
Muxudiin Cali Muuse Guddoomiyaha Xafiiska la dagaalanka Burcad-badeeda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale warbaahinta u sharaxay waxa uu qabto xafiiskooda iyo sababaha ay Dowladooda u aas aastay.



