Caqabado soo wajahay arday Soomaaliyeed oo wax ku barta K/Afrika

Jaaliyada Soomaalida ee ku nool gobolka Limpopo ee dhaca xadka wadanka South Africa uu la leeyahay Zimbabwe ayaa walaac xoogan ka muujiyay warqado digniin ah oo ku saabsanaa in caruurta aan heysan passport ama caddeynta dalkaasi laga saari doono goobaha waxbarashada mudada saddaxda bilood ah ee soo socota.

Digniintaan oo ka soo baxay maamulada dowlada South Africa ay ku leedahay gobolkaasi,ayaa lagu sheegay in ardayda d iyo waalidiintoodaba in ay la yimaadaan Baasaboorka  Soomaaliga ah ,halka inta badan dadku ay heystaan waraaqaha Qaxootiga.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolkaasi Daahir Xasan Hilowle ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ku dhawaad boqol caruur Soomaali ah ay dhici karto in schoolada laga saaro saddaxda bilood ee socota hadii aysan waalidiintooda aysan ku dhaqaaqin tallaabooyin ku habboon arimahaasi.

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka K/Afrika ayaa sheegay in ay la kulmeed  Hey’ada UNHCR,isla markaana ay u gudbiyeen cabashooyinka la xiriira ardayda   loogu baaqay in ay la timaadaan  Baasaboor Soomaali ah ama kan K/Afrika.