Muqdisho-RisaalaFM- Xaaladda Abaaraha ee ka jirta dalka ayaa ah mid baahsan, safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000km laba jibaaran, taas oo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee la soo dhaafay oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta hadda ka jirta dalka waxay saamaynta ugu badan u geysatay xoolaha, beeraha iyo dadka waxayna sababtay biyo la’aan baahsan.
Roobka Gu’a (April-June) hadii uu da’o, waxaa sedex bilood oo kale lasugaya gurashadiisa, hadii uusan da’in ama yaraado qatar intaan ka badan ayaa laga baqaya sidii 2011
- Waxaa in kabadan 3,63,000 oo caruur ah nafaqa daro haystaa oo ay kamid yihiin 71,000 oo aad udaran
- Waxaa macluul ay ku bilaabatay in kabadan 2.9 malyuun oo qofood
- Waxaa 3.3 malyuun oo qofood ay cunta yaraan daran haysataa
- Waxaa ay galaafatay 70% xoolo nooc walba leh
- Waxaa deegaanada qaar Koonfurta Soomaaliya ka dilaacay daacuun calooleed ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 1630 qofood
- Waxaa guray wabigii Shabeelle, haddana waxaa isna guri raba Jubba
- Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii beeraha
- Waxaa degaanadoodii ka barakacay 1.3 malyuun qofood oo hadda dul degan magoolooyinka waawayn
- Isku celcelis waxaaa kaalmo u baahan in kabadan 6.2 malyuun qofood oo Soomaaliyeed
Natiijada ka dhalatay abaaraha
- Dhimashada dadka oo bilaabatay cuduro iyo gaajo kadhalatay abaarta darteed
- Dhimasho xoolaha ku timid calaf la’aan iyo biyo la’aan darteed.
- Cuduro ku dhacay xoolaha
- Barkacayaasha oo ku soo badanayo Magaalooyink waa wayn sida; Banadir, Garoowe, Baydhabo, Kismaayo, Beladwayne, Jowhar, Hargaysa, Cadaado, Gaalkacyo, Beledwayne iyo meela kale oo badan.
Dakhliga soo xerooday
Waxaa dowladda iyo dadkeedaba ku deqeen dhaqaale aanan ku filnayn baahida taagan oo aad u baaxadwayn owgeed lacagtaas oo dhan $1,318,492.34. Wuxuu Guddigu gaarsiiyay $935,000 Guddiyada Gurmadka Abaaraha ee Heer Deegaan iyo raashin.
Deeqaha la filaayo
| Dowladda | $9,935,840 |
| Ganacsatada | $3000,000 |
| Dadwaynaha | $1500,000 |
| Qurba Joogta | $7000,000 |
| Wadarta guud ee lafilayo | $21,435,840 |
Sidoo kale deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka waxay wadaan dadaalo arrimaha abaaraha wax looga qabanaayo waxayna balan qadeen 482 Malyuun.


