DHAGEYSO: Dad Abaarta darteed isku dilay

Garowe-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa sheegay in 5 ruux Abaarta darteed ay isugu dileen Degaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii xoolahooda ay galaafatay Abaarta.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay 5 ruux oo ku noolaa Degaanada Puntland in ay isku dileen Abaarta darteed.

Waxa uu sheegay in waligeed aanan la arkin qof gaajo qabatay oo xabad isku dhufta, balse hada ay sababtay Abaarta xoogan ee ka jirta dalka.

Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya oo isu bedelay macluul, ayaa waxay dadka bilaabeen in ay macluul ugu geeriyoodaan degaanada miyiga, Dadka ay Abaaruhu saameeyeen oo u badan Beeraley iyo xoolo dhaqato, ayaa wixii ay haysteen waxaa ay ku waayeen Abaaraha.