Suudaan-RisaalaFM- Maxkamadda ku taalla xaafada Deeym ee magaalada Khartuum ayaa sii daysay fanaanka dhallinyarada ah ee Nimcaan Hillaac kadib markii uu bixiyey lacag ilaa 1,500 Dollar ah oo lagu ganaaxay, isaga oo sidoo kale lagu amray in 24 saac gudahood uga baxo Suudaan.
Nimcaan Hilaac oo lagu eedeeyey inuu baal maray cashuur bixinta Dowladdu xaq ugu leedahay dadka munaasabadaha ku qabsada Suudaan ayey Ciidamo Boolis ahi xalay ka soo qabteen hoolka Jafaani oo ka ag dhaw Jaamacadda Mustaqbal halkaasi oo uu ka dhigaayey Bandhig faneed.
Xafladda ayaa Dowladda markii hore loogu sheegay inay tahay aroos Soomaali balse waxay soo ogaadeen inuu yahay Bandhig faneed.
Nimcaan qorshihiisa Suudaan waxa u harsanaa laba bandhig oo mid uu kala qayb galaayey Telefishanka fanka uruuriya ee Blue Nile.
Suudaan ayaa Soomaalida iyo fankoodaba aad u tixgeliya waxayna sidoo kale ilaaliyaan shuruucda in lagu dhawro siday ku soo baxaan.


