DHAGEYSO: Dekeda Muqdisho oo maanta dib uhowl bilaabeysa

Maanta ayaa lagu wadaa in dib markale ay uhowl bilowdo Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho kadib markii dhowaan ay saameyn ku yeelatay Mowjado wata saameyn xoog badan oo ka yimid dhanka bada.

Wasiirka wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka dowladda Soomaaliya Nuur Faarax Xirsi ayaa sheegay in maanta ay markale dib ubilaaban doonto shaqadii ka socotey Dekeda weyn ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in hakadka ku yimid howlihii ka socday Dekeda ay tahay Mowjado iyo Dabeylo ka yimid dhanka bada, laakiin maanta ay rajeynayaan in shaqada ay dib ubilaabto.

Dhowaan ayay aheyd markii Mowjado wata Dabeylo iyo Duufaan oo ka yimid dhanka bada ay saameeyeen Dekeda Muqdisho, iyadoo dadka qaar ay ku macneeyeen Mowjadahaas in mudo kadib sidan oo kale mar la arko.