DHAGEYSO: Dagaalo maalintii 3-aad ka socda magaalada Beledweyne

Dagaal culus ayaa maalintii Saddexaad ka socda Xaafadda Howlwadaag ee Magalaada Beledweyne iyado dagaalkan uu u dhaxeeyo labo beelood oo wada dega xafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

ilaa iyo hadda lama oga  khaasaraha ka dhashay dagaalkan subaxnimadii hore ee  saaka markale ka qarxay Magalaada Beledweyne.

isku socodka gadiidka iyo dadka  Xaafadda Howlwadaag ayaa xiran maalintii saddexaad iyado dadka degan goobaha lagu dagalamay ay ku sugan yihiin guryahood.

Wariyaheena Yuusuf Cabdi Aadan oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaan ka wareysanay dagaalada Beledweyne ka socda.