Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay gaareen degmada Bardaale ee gobolaka Bay, waxaana ay halkaasi u tageen si ay wax uga ogaadaan xaalada dadka halkaasi degan.
Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa waxa u faah faahin ka bixiyay ujeedka safarkooda, isagoona sheegay maalmaha soo socda ay howlgallo ka bilaabi doonaan degmada Bardaale iyo guud ahaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan degmada Bardaalee ee gobolka Bay.
Waxaana howlgalladaasi ay yihiin sidii la isugu furi lahaa wadada udhaxeysa degmada Bardaale iyo magaalada Beydhabo.


