DHAGEYSO: Baarlamaanka Puntland oo kala diray Golihii Maxkamadda Sare

Garowe-RisaalaFM- Kulan maanta ay ku yeesheen Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa waxa ay ku kala direen Golihii Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland.

Golihii Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa dhowaan Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas waxa uu 5 Bilood ugu daray in ay xilka sii hayaan kadib markii waqti hore uu idlaaday xilligii loogu tala galay in ay xilka hayaan.

Golaha Baarlamaanka maamulka Puntland oo ku soo xaadiray xarunta Golaha Baarlamaanka maamulka Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxa ay ka doodeen arimo badan oo ay ka mid yihiin in la kala diro Golaha Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland.

Dood dheer oo ay yeesheen xubnaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa waxa ay ku heshiiyeen in ay kala diraan Golihii Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland maadaama waqtigooda uu maanta ku ekaa.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland looga baahan yahay in uu si deg deg ah ku soo magacaabo Guddiga cusub ee Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay kala diraan Golaha Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland, waxaana Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas looga fadhiyaa in uu soo magacaabo Gudoomiyaha Maxkamadda, Ku xigeenkiisa iyo Saddex Garsoore.