DHAGEYSO: AMISOM oo cabasho ka ah Xildhibaanada Golaha Shacabka

Ciidamada Midowga ee AMISOM ee ilaaliya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa soo gudbiyay Cabasho ka dhan ah Xildhibaanada Golaha Shacabka qaarkood.

AMISOM ayaa sheegtay in Xildhibaanada qaarkood ay hareer maraan nidaamka baarista marka la galaayo Xarunta baarlamaanka.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale tilmaamay in Xildhibaanada qaarkood aysan soo bixin kaarkooda Aqoonsiga.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in tahay wax laga xumaado in ciidamada AMISOM ee ilaaliya xarunta Baarlamaanka ay cabasho soo gudbiyaan.

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada in ay qaataan Amarada ciidamada AMISOM Si loo xaqiijiyo ammaankooda.