DHAGEYSO: Amaanka magaalooyinka Soomaaliland oo aad loo adkeeyay

Soomaaliland-RisaalaFM- Waxaa diyaar garowgii ugu dambeeyay laga dareemayaa magaalooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliland taas oo ku aadan dabaaldega 18-ka May oo ku beegan 25 sano ka hor markii Soomaaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya.

Saacado kooban ayaa inaga xiga waqtiga dabaaldega balse waxaa si wadajir ah u socda diyaar garowga xaga dowladda iyo bulshada Soomaaliland.

Ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay wadaan howlagallo aminga ay ku xaqiijinayaan gaar ahaan goobaha ay ka dhaceyso Munaasabadda iyo guud ahaan amniga deegaanada Soomaaliland.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Soomaaliland Xuseen Saxardiid Cadaani ayaa waxa uu sheegay in ay si weyn ugu diyaar garoobeen dabaal dega 18-ka May.

Sanadkasta ayaa maamulka iyo bulshada ka soo jeeda Soomaaliland waxa ay Bishan 18-keed udabaal degaan gooni isu taagooda.