Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaantay dib u celintii labadii diyaarad ee siday ilaalada madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo lagu celiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay dowladda soo saartay, kuna taariikheysan 3-da Febraayo 2026, ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay timid kadib markii wafdiyadaasi ay ku xadgudbeen habraacyada iyo shuruucda amniga ee u yaalla garoonka Aadan Cadde.
“Dowladdu waxay caddeysay in guddiga farsamada ee Federaalka uu wadatashi la yeeshay laamaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana lagu heshiiyay in la ilaaliyo nidaamka iyo sharciga.”ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay timid kadib dhacdo la mid ah oo horay u dhacday 1-dii Febraayo 2026, taasoo la xiriirtay wafdi ka socday Golaha Mustaqbalka.
Dowladda Federaalka ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay in dhammaan arrimaha khilaafka lagu xalliyo wadahadal, isfaham iyo ixtiraam ku dhisan dastuurka dalka, iyadoo sidoo kale xoogga saartay la-dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta midnimada dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wadajirka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.




