Taliye ku-xigeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal John Brennan, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in horjoogaha Daacish ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin, uu weli ku sugan yahay Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, Puntland.
Wareysi uu siiyay telefishinka VOX News, ayuu Brennan ku sheegay in Muumin uu ka hoggaamiyo kuna maamulo howlaha Daacish ee gudaha Soomaaliya iyo weerarro caalami ah oo lagu bartilmaameedsado dalal ku yaalla Bariga Fog, Yurub iyo Mareykanka.
Jeneraal Brennan ayaa tilmaamay in Cabdiqaadir Muumin uu yahay “khatar argagixiso oo caalami ah”, islamarkaana uu ka sii wado qorsheynta weerarro gudaha iyo dibadda ah isagoo ku dhuumanaya dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka ay kordhisay duqeymaha cirka iyo howlgalada militari ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Soomaaliya, si looga hortago khataraha amni ee iman kara mustaqbalka.
Dhanka kale, ciidamada Puntland oo taageero ka helaya Mareykanka ayaa horay u sheegay inay dib u qabsadeen inta badan Buuraleyda Calmiskaad, isla markaana ay jab weyn u geysteen kooxda Daacish, iyagoo helay taageero dhinaca duqeymaha cirka iyo xogta sirdoonka.
Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Cabdiqaadir Muumin uu ka baxsaday aagga Calmiskaad, tan iyo markii uu bilowday howlgalka Hillaac, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Daacish.
Wararkan ayaa imanaya xilli Puntland ay dhawaan ku dhawaaqday in inta badan ciidamadeeda laga soo saaray buuraha Calmiskaad, kadib markii ay sheegtay in Daacish la soo afjaray, marka laga reebo tiro yar oo firxad ah oo wali go’doon ku jira.



