Madaxweynaha dawladda Puntland Abdiwali Maxamed Ali Gaas ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Taliyaashii ciidamada Booliska & Birmadka ee Puntland, ka dib markii dhawaad rabshado ay ka dhaceen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Madaxweynaha maamulka puntland ayaa horay u sheegay in talaabo ka qaado taliyaasha ciidanka booliiska iyo birmadka puntland ka dib markii la sheegay in ay ka dambeeyey falkii lagu dhaawacay wasiirka amniga puntland Cabdi xir cali Qarjab.
Gaas ayaa xilalka ka qaaday labadan Taliye, waxaana la magacaabay Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Col, Cabdulqaadir Faarax Shire


