Wararka inaga soo gaaraya Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan Isgoyska Dabka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari ay saaran yihiin waxyaabaha Qarxa uu ku qarxay Agagaarka Isgoyska Dabka.
Gaariga ayaa Qarxay kadib markii ciidamada dowladda ay joojiyeen Gaariga Waxyaabaha Qarxa ay saarnaayeen si baaritaano loogu sameeyo, kadibna sidaasi halkaasi uu ugu qarxay Gaariga.
Ilaa iyo lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxan goor dhow ka dhacay Wadada Dabka.


