Muqdisho-RisaalaFM- Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxa ay suuqa Bakaaraha ku qabteen Gaari ay saaran yihiin Walxaha Qarxa.
Gaarigan oo nuuciisu uu yahay Zuzuki ayaa waxaa lagu qabtay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qaybta lagu iibiyo Daawada, waxaana haatan socda Baaritaan.
Saraakiil ka tirsan ciidanka NISA ee howlgalkan fuliyay ayaa waxa ay Warbaahinta dowladda u sheegeen in ay inay hayeen xogo ku aadan Gaarigan iyo macluumaad kale oo dheeri ah.
Ciidanka amaanka ayaa Mudooyinkii ugu danbeeyay waxay ay wadeen howlgallo ka dhan ah Shabaab.


