Deg Deg: Madaxweyne Gaas oo isugu yeeray saraakiisha amniga Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa hadda shir deg deg ah la leh Saraakiisha ciidamada Nabadgalyadda ee Puntland oo uu kala hadlayo arrimaha ku saabsan iska horimaadkii uu ku dhaawacmay wasiirka Amniga Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa faray Saraakiisha Amniga in si deg deg ah wax looga qaban doono Ilaaladii saaka rasaasta is dhaafsaday.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweynuhu amar ku bixiyey in dhamaan xabsiga loo taxaabo kooxihii arimahan lugta ku lahaa.

Taliyaasha ciidamada amniga ayaa la faray in baaris deg deg ah lagu sameeyo dhacdadan, waxaana wasiirka amniga Puntland la sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo dhaawacu dhinaca lugta ka soo gaaray.

Ciidamo badan ayaa lagu soo daadiyey gudaha magaalada oo dhan, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaq xoogan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in si deg deg ah baaritaano loogu sameyn doono iska horimaadkii saakay dhacay.