Al-Shabaab oo qorsheynaya weeraro ay ka geystaan Uganda

Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay inay qorsheynayaan weeraro inay ka geystaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda, sida Saraakiisha Booliska ay shaaciyeen.

Taliyaha Ciidamada Booliska, Kale Kayihura ayaa sheegay in ay haleen xogo muujinaya in Al-Shabaab ay qorsheynayaan Weeraro ka dhan ah Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Entebbe.

Waxaana uu sheegay ciidamada boliiska in la geliyay feejignaan heer dheeri ah oo ku aadan ka hortagga qorshaha Shabaabka doonaya in ay weeraro uga fuliyaan gudaha dalka Uganda.

Al-shabaab ayaa horay weerar uga geystay dalka Kenya iyo sidoo kale dalka Uganda oo Qarax Khasaare badan dhaliyay ka fuliyeen.

Dalka Uganda ciidamada ugu badan ee howlgalka AMISO ka socda ayaa ka jooga Soomaaliya, iyadoo Al-shabaabka dhowr mar hanjabaad ay u jeediyeen Uganda.