DEG DEG: Kooxo Hubeysan oo Caawa Dil ka geystay degmada Yaaqshhiid

Muqdisho-RisaalaFM- Koox hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Yaaqshiid mid ka mid ah Gudoomiyeyaasha waaxyaha degmadaasi.

Gudoomiyaha waaxeedka ayaa la sheegay in ay dileen labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa ay ku dileen degmada Yaaqshiid, kuwaas oo goobta ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen.

Ciidanka dowladda iyo maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilka.

Dilka Gudoomiye waaxeedkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal mudooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho loogu geysanayay qaar ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah.