Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada ka amar qaata Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuwa Hay’adda PSF ayaa goordhow ka bilaawday Magaalada Boosaaso.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayaan jugta hubka noocyadiisa kala duwan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan.
Dadka tirada yar ee ku haray Aaga dagaalka uu ka socdo ayaa bilaabay inay isaga cararaan, iyaga oo ka baqdin qaba inay waxyeelo kasoo gaarto.
Waxaa fashilmay waan waan xabad joojin ah oo ay wadeen Isimada Puntland, taas oo dhaqan gashay gelinkiii dambe ee Maanta, waxaana xaaladda Magaalada Boosaaso ay Caawa tahay mid aad u kacsan.
Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com



