Dhalinyaro ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda

3 dhallinyaro ah oo ka tirsanaa  Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Jowhar.

Saddex ka tirsanaa  Al-Shabaab ayaa maanta isku dhiibay ciidanka Nabadsugidda Qaranka ee ka howlgalla Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan magaalo Madaxda Gobolka ee Jowhar.

Sedaxdaan oo lagu kala magacaabo Cali Cabdullaahi, Cabdullaahi Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdullaahi Maxamed oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay inay u adkeeysan waayeen dhibaatooyinkaAl-Shabaab u geystaan shacabka, iyagoo ugu baaqay dhallintada kale ee ay qaldeen inay isu soo dhiibaan gacanta dowladda, si ay bulshadooda ugu adeegaan.

Taliyaha Nabad sugidda Degmada Jowhar Cali Xasan Maxamuud (Cali Dheere) ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay soo raacaan dhabaha ay mareen saaxiibadooda, ayna isku soo dhiibaan dowladda.