Wararka naga soo gaaraya Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Banaanbax ballaaran oo ay waddaan gaadiidleyda ka shaqeysta mootada loo yaqaano Bajaajta.
Koox dhalinyaro ah ayaa la sheegay in ay hakadgeliyeen isu socodka gaadiidka ee agagaarka isgoyska KM4 kadib markii ay halkaasi dibad-bax u xirteen darawallada Mooto Bajaajta.
Qaar ka mid ah Bajajajleyda ayaa waxa ay sheegeen in ay cabasho xooggan ka muujinayaan xirnaansha Wadooyinka Magaalada Muqdisho,iyagoo sheegay in ciidamada aysan fulin Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in wadooyinka la furo, laakiin subixii ay furaan galabtiina ay xiraan.
Qaar ka mid ah Darawadda ayaa Risaala u sheegay in sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Ammaanka ay toogteen dhowr Mooto Bajaajle.